Hoggaamiye sare oo ahaa Shabaab oo isa soo dhiibay

 

Sarkaal sare oo ka mid ahaa ururka dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab ayaa wuxuu isu soo dhiibay kuna soo biiray dowladda Soomaaliya. Ibrahim Xasan Ali, oo ahaa sarkaal sare kana mid ahaa hoggaamiyeyaasha ururka al-Shabaab wuxuu isu dhiibay hoggaanka dowladda ee magaalada Burhakabo ee ku taallo gobalka Baay.


Ibrahim wuxuu sheegay in dantu ku khasabtay in go’aankaas uu gaaro maaddaama khilaaf xoog leh uu ka dhex jiro, ayna bilaabeen in xubanaha urukaas ay dhexdooda is ugaarsadaan.


Wuxuu sidoo kale muujiyay Ibraahim inuu aad uga walaacay fikradda doorsan ee ururku wabo iyo weerarradii uu dhawaan ururka ku qaaday dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof.


Tan iyo xilligii ay isa soo dhiibeen hoggaamiyeyaashii al-Shabaab ee ay ka mid ahaayeen Mukhtaar Roobow iyo Sakariye, si xad-dhaaf ah ayey hoggaamiyeyaasha ururka isu soo dhiiibayaan.


Dhammaan dadkii isu soo dhiibay dowladda Soomaaliyeed waxaa la siiyay cafis ka socdo dhanka dowladda Soomaaliyeed waxaan dib loogu celiyay bulshada Soomaaliyeed ee lamahuraanka ah.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…