Xooogag ka tirsan Al-shabaab isku dhiibeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in xooogag ka tirsan Al-shabaab isku dhiibeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee halkaa ku sugan.


Saraakiisha maamulka degmada Diinsoor ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahanno Al-shabaab ah oo wata gaari tikniko ah isku soo dhiibeen.
“Waxaa ciidamadeena isku soo dhiibay xubno ka tirsan Al-shabaab oo watay gaari Cabdibile ah iyo hubkooda,waxaa ay ka kooban yihiin darawalkii gaariga iyo 5 qof oo hubeysan ayeey sheegeen saraakiisha degmada Diinsoor.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…