Ciidanka kumaandooska oo gacanta ku dhigay qaraxyo iyo Rasaas Al-shabaab u yaalay degaanka Baladul Amiin

 

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Xoogga Dalka oo shalay Al-shabaab ka xureeyay degaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa halkaasi ku qabtay Kartoonyo lagu xareeyay qaraxyo iyo hub maleyshiyada Al-shabaab ugu jiray guri ku yaala degaanka.

Qaraxyada iyo hubka ay Ciidanka Danab qabteen ayaa Al-shabaab waxa ay ku xareeyeen guri ku yaala degaanka Baladul Amiin ee Gobalka Shabeelaha hoose Saraakiil ka tirsan ciidanka danab ee kumaandooska soomaaliya ayaa idaacada ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Sadax kartoon iyo Sanduuq ay ku jiraan Qaraxyo iyo rasaas oo yaalay guri ku yaala degaan Baladul Amiin.

Sidoo kale Saraakiisha kumaandooska soomaaliya ayaa xaqiijiyeen in Ciidamada kumaandooska soomaaliya taleefano nabadiidka al-shabaab ay u isticmalaan weerarada qaraxyada ay ku xasuuqaan dadka shacabka ah. Degaanka Baladul Amiin waxa uu hoos tagaa degmada wala weyn ee gobolka shabellaha hoose shalay ayaa laga saaray nabad diidka al-shabaab waxaana gacanta ku haaya ciidamada kumaandooska soomaaliya.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…