Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhexgalay Madaxda Sare Ee Ururka Al Shabaab

 

Khilaaf ayaa soo kala dhexgalay Madaxda  Xarakadda Al-shabaab kaddib qaraxii 14-kii Ocober ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho. Wararka ah ayaa sheegay in  madaxda dhexe ee Al-shabaab,guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda Abuu Cubeyda.


Abuu Cubeyda oo ah hogaamiyaha Al-shabaab ayaa lagu eedeynayo in uusan la tashan Golaha shuurada ee Xarakadda Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii isgoyska Zoobbe ka dhacay bishii aynu soo dhaafnay.


Qaraxyadda iyo weerarada Al-shabaab ay fuliyaan ayaa waxaa lagala tashadaa Golaha shuurada ee Al-shabaab kuwaasi oo ansixiya goobaha la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay hogaamiyaha Al-shabaab .


Hoggaamiyaha Al-shabaab haatan wuxuu bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabaab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-Shabaab.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…