Miino raggii dhigayay ay kula qaraxday duleedka degmada Balcad

 
Guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka shabeelaha Hoose Qaasim Cali nuur ayaa sheegay in qarax ka dhacay xalay deegaanka Danida ay ku dhinteen ugu yaraan lix ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen
 
Wuxuu  sheegaya in qaraxaasi uu dhacay abaarihii 11 fiidnimo ee xalay,  xilli  qaraxaasi la dhigayey meel u dhow buundo ku taalla degaanka Danida oo u dhexeeya Balcad iyo Afgooye. “abaarihmeesha ay wax ka dhaceen waxay u  dhaxaysaa Balcad iyo Afgooye, ma aha wax qarxay baabuur ee waa Miino ayay iyagu dhigayeen. dadka degaankuna waxay noo sheegeen 8 dhimasho ah iyo  4 dhaawac ah, Miinow ay dhigayeen ayaa ku qaraxday Abaarihii 11 habeenimo.
 
Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in ururka al-shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulada baarlow oo u dhaxaysa balcad iyo Afgooye, hase yeeshee ma sheegin khasaaraha ka dhashay, mana jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya arrintaasi. Goobta uu qaraxu ka dhacay  ee ay ku dhinteen lixda Al-shabaabka ah ayaa u dhow goob toddobaadkii hore uu ka dhacay qarax kale oo lala beegsaday babuur siday khudaar oo ay ku dhinteen lix qof oo ka ganacsada wax soo saarka beeraha.
 
 
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…