Fariisiin Shabaab lahaa oo Jilib lagu burburiyay

 

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibbada la ah ee caalamiga ayaa dhawaan duqeyn ay ka fuliyeen magaalada Jilib waxay ku burburiyeen fariisiin ururka al-Shabaab uu ku qorsheynayay xasuuqa dadweynaha Soomaaliyeed.


Afhayeenka Dowladda Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in duqeyntaas aynan ku dhaawacmanin ama ku dhimanin wax shacab ah. Duqeyntaan ugu dambeysay waxay qeyb ka tahay dadaallada dalkeenna looga saarayo argaggixisada al-Shabaab kuwaasoo dhibaato weyn ku ah shacabka Soomaaliyeed.


"Mid ka mid xarumaha al-Shabaab ay ku qorsheeyaan xasuuqa ummadda Soomaaliyeed ayaa duqeyn lagu burburiyay. Taasi waxay tusineysaa in awooddooda ay wax isaga dhicin karaan ay hoos u dhacday," ayuu yiri afhayeenka dowladda. Wuxuu intaasi ku daray in hal asbuuc gudahiis ay dowladda Soomaaliyeed ay duqeymo dhowr ah ka fuliyeen magaalada Jilib iyo hareeraheeda.


Wuxuu sheegay afhayeenku in duqeymada noocaan ah ay muujinayaan dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ku jirto ee lagu wiiqayo awoodda milatari iyo tan dhaqaale ee ururka dilaaga ah ee al-Shabaab. Dowladda Soomaaliyeed iyo dowladaha caalamiga ee caawiyaan dalka Soomaaliyeed waxay sare u qaadeen weerarrada noocaan ah ee lagu burburinayo al-Shabaab.

Hooyo si arxan darro ah loo dilay xoolo ay diidday inay bixiso darteed

 
Ururka dilaaga ah ee cadowga u ah ummadda Soomaaliyeed ee al-Shabaab wuxuu dhawaan xaafad ka tirsan Muqdisho ku dilay habar waayeel ah taasoo ka biyo diidday amar uu ku soo rogay oo ku aaddan inay bixiso xoola nool oo uu ururku ugu yeero zakawaad.
Labo toddobaad ka hor inta la dilin habartaas ayay xubno ka tirsan ururkaas dilaaga ah waxay u soo direen taleefoon iyagoo ku amraya inay bixiso xoolaheeda laakiin wey ka biyo diidday amrkaas toogasho ayeyna ku dileen.

"Waa mujaahiddiinta, taleefoonka ma qabaneysaa ama ma qabaneysid,?" ayuu ahaa mid ka mid farriimadii ay taleefoonka ugu soo direen toddobaadyo ka hor inta aan la tooganin hooyadaas waayeelka ah.

Hooyadaan waxay tusaale u tahay uun kumannaan dad shacab ah oo ururka dilaaga ah uu toogasho ku dilo sanad walbo kuwaasoo eedda saaran keliya ay tahay inay diidaan inay bixiyaan lacago baad ah kuwaasoo si sharci darro ah loogu khasbo.

Xubnaha al-Shabaab ee hadda ka hor kasoo goostay kooxdaas dhiig-cabtada ah ayaa sheegeen in dhibaatooyin lixaad leh uu ku hayo dadweynaha tabarta yar ee leh ganacsiyada yar-yar oo aan kasoo kaban karin sakawaadka sida xaq-darrada ah looga uruuriyo ganacsigooda.

Isla xubnahaas soo goostay waxay sidoo kale sheegeen in lacagaha loogu talo galay samafalka ee ay bixiyaan hay'adaha ee ay siiyaan dadka saboolka ah ay iska xalaaleysteen al-Shabaab oo ay si cad uga dhacaan dadkaas masaakiinta ah ee iyaguba caawimaad u baahan.

Sidoo kale, ururka dilaaga ah ee al-Shabaab wuxuu lacago canshuur ugu yeer ah ka uruuriyaa gaadiidka xamuulka ee sidaan raashiinka samafalka ee loogu talo galay in lagu caawiyo shacabka ay waxyelleeyeen abaarrada iyo xilliyada fatahaaddada webiyada.

Waxaaba taas ka sii daran in isla lacagtaas laga uruuriyay dadka shacabka loo adeegsado in lagu xasuuqo oo lala beegsado qaraxyada aan kala sooca laheyn ee ururku maalin walbo la beegsado dadweynaha aan wax galabsan.
 

Dadaallada ka hortagga al-Shabaab oo sii xoogeysteen

 

Howl-gal qorsheysayn ayaa dhawaan ciidanka amniga Soomaaliyeed kusoo qabtay shabakad ururka dilaaga ah ee al-Shabaab u qaabilsaneyd qaraxayada iyo maaddooyinka laga sammeeyo qaraxyada.


in kastoo aan shaacin goobta laga soo qabtay shabakadaan, waxaa bogga internet-ka ee hay'adaha amniga Soomaaliyeed la soo saaray sawirro tusinayaan walxaha qarxa ee lagu soo qabtay howl-galkaas. Waxaa sidoo kale la sheegay in qabashadaas ay suura galisay iskaashi iyo wadashaqeyn ay sameeyeen hay'adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed ee ka dadaalaan inay ka hortagaan al-Shabaab.


Sidoo kale, barta twitter-ka ee hay'adaha amniga waxaa lasoo saaray sawiirrada maadooyinka laga sameeyo qaraxyada sida fiyuusyada wax qarxiya, batariyaal iyo gumacyada rasaasta ee loo yaqaaano RPG.


Waa jab weyn oo soo gaaray ururka diinta Islaanka ka been sheegay ee al-Shabaab maaddaama walxahaas qarxa ee la qabtay uu la beegsan lahaa shacabka Soomaaliyeed ee aan wax galabsan waa sida looga bartay ururkaase.

Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…