Ciidaamo dheeri ah oo la geeyay Shabeellada Hoose

 
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ciidamo dheeri ah geysay gobalka Shabeelada Hoose kaddib markii ururka al-Shabaab ku dhaqaaqay inuu shacabka Soomaliyeed ee ku dhaqan gobalkaas u geysto dhac iyo dhibaateyn.

Ilo lagu kalsoon yahay oo dhanka ciidammada milatariga Soomaaliyeed kasoo jeedaan ayaa xaqiijinaya dirista ciidammada ee loo diray gobalkaas, waxayna ilahaas sheegayaan in ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ay dagaal ku wadaan ururkaas si looga saaro tuulooyinka faro-ku-tiriska ah ee uu ururka ka taliyo.

Ciidammadaas waxay qeyb ka yihiin mashruuc ujeeddadisu tahay in ururka dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab  laga cirib-tiro dalka Soomaaliya lana xoreeyo tuulooyinka kooban ee soo hareen.
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…