Madax sare oo aheyd al-Shabaab oo la laayay

 
Hoggaamiyeyaal ka tirsanaayeen ururka laga itaal dheeraaday ee al-Shabaab ayaa lagu laayay weerar dhanka cirka ah kaasoo loo bartilmaameedsaday xubnaha ka tirsan ururkaas.

Ciidammada khaaska ah ee Soomaaliyeed ee loo yaqaanno Danab oo kaashanaya ciidammada dalka Mareykanka waxay 12 xubnood oo ka tirsanaa ururkaas ku dileen degmada Kuntuwarey ee ku taalla Shabeelada Hoose.

Kuwa weerarkaas lagu laayay waxaa ka mid ahaa wiilka hoggaamiyaha ururka al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeydah. Waxaa lagu magacaabaa Xasan Axmed Diiriye.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in duqeyntaas lagu dilay taliyeyaal ka tirsanaa ururka al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Yuusuf Macallin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur oo ku magac dheer Faruur.
 
Ururka argagaxisada ah ee al-Shabaab six ad-dhaaf ayaa looga itaal dheeraday awooddiisuna aad ayey u wiiqan tahay maaddaama ciidammada qalabka sida ee dalka Soomaaliyeed ay ururkaas ku waadaan dagaal joogta ah iyadoo ay taakuleyn ka haystaan beesha caalamka.

Ciidammada khaaska ah ee Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka waxay dhawaan billaabeen inay weerarro ku qaadaan saldhigyada ururka dhiig-cabtada ah ee al-Shabaab ee ku yaalla Shabeelada Hoose.
Top
We use cookies to improve our website. By continuing to use this website, you are giving consent to cookies being used. More details…