Ciidanka Xoogga Dalka oo xorreeyay degaanka Biya-cadde ee Sh/Dhexe
Ciidanka Xoogga Dalka oo taageero ka helaya kuwa Midowga Africa ayaa iyagoo aan wax iska caabin ah la kulmin gudaha u galay degaanka Biya-cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay si nabad ah ula wareegeen gacan ku heynta degaankaas iyagoo aan wax xabad ah ridin. Ciidanka ayaa dhawr jiho ka soo galay degaanka, taas oo jahwareer ku riday argagixisadii halkaa ku sugnaa, sababtayna in ay duurka u cararaan. Argagixisada fuleyda ah ayaa door biday in ay cagaha wax ka dayaan intii aan lagu durdurin.